Somali - I Am Vision for 2030

Hadafkeena Aragtida 2030 wuxuu ahaa inaan sameyno farsamada goobaabinta ee loo yaqaano concentric circle oo leh saddex lakab taasoo qayb ka ah aragtida guud ee laga hirgelin doono Degmada Dugsiga Midaysan ee San Diyeego, ilaa 2030. Aragtidan waa mas'uuliyadeena wadajirka ah waxaana ku jiro astaan faahfaahinaayo waxa aan bulsho dhan ahaan, aan u rabno dhammaan ardayda. Hadii astaanta bartaha uu hayo hamigeena ardayda isagoo ah udub-dhexaadka wax kasta oo aan sameyno, markaa waxaan aqoonsanahay in macalimiinta iyo nidaamkeena labadaba guud ahaantooda ay u baahan yihiin in la tixgeliyo iyo laguna daro.

Aragtidan waa mas'uuliyadeena wadajirka ah.

Astaanta Bartayaasha ayaa udub dhexaad u ah shaqadeena wuxuuna soo bandhigi doonaa jihada istiraatijiyadeed ee loogu talagalay naqshadaynta waayo-aragnimada wax barashada ee guud oo loogu talagalay ardayda. Astaanta Bartayaasha waa ururinta sifooyin aan rabno inay ardaydu dhisaan waana ballanqaadka aanu u sameyno ardaydeena iyo qoysaskeena. Waa waxa dhaqaajiya ficil kasta oo dadka waaweyn iyo nidaam kasta oo isbeddel ah. Astaanta Bartayaasha lama gaari karo la'aanteed macalimiin si toos ah u taageera ardaydeena iyaga oo si ula kac ah u sameynaayo tusaalo, baraayo, iyo abuuraayo shuruudaha ay ardayda u baahan yihiin si ay u guuleystaan. Astaanta Macalinka waxa uu qeexayaa sifooyinka aan ku qiimeynayno macalimiinteena waxana uu ku mideeyaa nidaamkeena habdhaqanka ardayga udub dhexaad u yahay. Astaanta Nidaamka waxa uu ka qayb qaataa waxa u baahan in ay ka dhacaan nidaamkeena si loo abuuro xaaladaha lagu hirgeliyo Astaanta Bartaha iyo Macalinka. Astaanta Nidaamka wuxuu muujinayaa mudnaanta ururkeena iyo sida aan u shaqeyno. Waxa ay khuseysaa guud ahaan ururka oo dhan waxayna abuurtaa xaaladaha taageero iyo ku dhiirigeliya dadka waaweyn inay muujiyaan tusaalaha Astaanta Macalinka iyo inay ardayda gaaraan Astaanta Bartaha.

Qiimayaashan soo socda ayaa ka soo baxay cod ku darsagii bulshadeena. Iyadoo loo adeegayo ka mid ahaanshaha iyo kobcinta, waxay ku sii tidcan yihiin Aragtideena loogu talagalay 2030 oo dhan:

Dhaqamada Cadaalada Dib Wax U Hagaajinta Iyo bogsashada

Go'aan Qaadasho Uu Ardayga Udub Dhexaad U Yahay

Wada Shaqeyn Iyo Isku Duubni

Kalsooni Iyo Cadaan

Degaano Amni Leh Xaga Nafsi Ahaan, Dareen Ahaan, Jir Ahaan

Kala Duwanaanshaha, Cadaalada, Iyo Ka Mid Ahaanshada

Awooda Waxqabashada Iyo Codka Ardayda

Kartida Dhaqanka

6 / Waxaan Ahay Aragtida ee loogu talagalay 2030

Made with FlippingBook - professional solution for displaying marketing and sales documents online