Somali - I Am Vision for 2030

Not a stick, I’m a pencil Roy Ronoh Transitional Kindergarten - Zamorano Fine Arts Academy

Kooxda Aragtida 2030 (ardayda tababaranaayo iyo fududeeyayaasha hogaaminta) waxay bilaabeen shaqada iyaga oo baranaya xogta hore loo soo ururiyay marki lagu jirey 2019-20 oo ahayd markii ugu horaysay ee aan bilownay ka fikirida abuurista Aragtida 2030, iyo sidoo kale natiijooyinka u kuurgalka geedi socodka raadinta kormeeraha sare ee hogaaminayay Xarunta Qaranka Ee Qiimaynta Wax Barashada (National Center for Education Evaluation). Dhowr bilood oo ogaansho, barasho, iyo qorsheyn ka dib ardaydeena tababaranaayo waxay horseedeen fadhiyo talo bixineed, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo fadhiyo jawaab celin ah oo bilaabmay Juunyo, 2022, socdayna ilaa Abriil, 2023 si aan u ururino talooyinka ardayda, shaqaalaha, xubnaha qoyska, iyo bulshada. Dadaalada qayb-qaadashada bulshada ee ardayda tababaranaayo waxay dhaliyeen 22 fadhiyo ee ka qayb-gal bulshada, waxaana aragtida ka mid ah talooyin ka socda in ka badan 2,000 oo arday, qoysas, shaqaalo shahaado haysto, shaqaalaha soocan, shaqaalaha dugsiga, shaqaalaha xafiiska dhexe, kooxaha la-talinta, iyo xubnaha bulshada. Marka la soo ururiyay xog adag, sifooyinka Astaanta Bartaha (Learner Profile), Astaanta Macalinka (Educator Profile), iyo Astaanta Nidaamka (System Profile) ayaa laga dhisay xogta sifada ee laga soo uruuriyay fadhiyadii cod ku darsiga iyo u kuurgalada. Talooyinka bulshada, oo ay ku jiraan shaqaalaha degmada dugsiga, ardayda, iyo qoysaska oo matalaya dhammaan kooxaha urursan (clusters) ayaa muujiyay sifooyinka ugu muhiimsan bulshadeena. Baaritaanka macluumaadka ka dib, ardayda tababaranaayo ayaa qabteen lix

Talooyinka bulshada, oo ay ku jiraan shaqaalaha degmada dugsiga, ardayda, iyo qoysaska oo matalaya dhammaan kooxaha urursan (clusters) ayaa muujiyay sifooyinka ugu muhiimsan bulshadeena. aqoon-is-weydaarsi si ay bulshada ugala qayb-qaataan soo saarista macnaha iyo ku habboonaanta la xiriirta macluumaadka iyagoo qeexayaan Astaanta Baraha, Macalinka, iyo Nidaamka ee loogu talagalay Aragtida. Aqoon-is-weydaarsiyada ka dib, Kooxda Aragtida 2030, oo ay weheliyaan la'taliyayaasha shaqaalaha ee hogaamiyaasha ah, ayaa baarey cod ku darsiga waxayna sameyeen qeexitaano loogu talagalay sifada astaan kasta oo ka imaaday macluumaadka aqoon-is-weydaarsiga. Kooxda ayaa markaa dib ugu soo celisay qeexitaanadii bulshada si ay u helaan jawaab celin si loo hubiyo inaan si sax ah u qabanay talooyinka bulshada. Kooxda Aragtida 2030 ayaa markaas ka dib sameeyay dib-u-habayn ku salaysan jawaab celinta bulshada waxayna sameeyeen "Waxaan Ahay Aragtida ee loogu talagalay 2030" ("I am Vision for 2030").

2 / Waxaan Ahay Aragtida ee loogu talagalay 2030

Made with FlippingBook - professional solution for displaying marketing and sales documents online